AHLUSUNNAH WAL_JAMA'AH
|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

  1. Jawaab: Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa..
    Assalaamu calaykum; aad baad ugu mahadsantahay bogaadinta iyo mahadcelinta. Waana runtaa oo waa loo baahanyahay in aan soo ceshano caqiidadeennii toosnayd ee wahhaabiyadu inaga leexisay, bulshadeennana aan dhaqankooda iyo hiddahooda u dhowrno, maxaa yeelay wahhaabiyadu diinta oo kaliya ma bedelin ee xataa waxay bedeshay dhaqankii iyo hiddihii.

    Intaa kadib walaal jawaabta shu'aashaadu way dhib badantahay, maxaa yeelay waxa loo yaqaan cayminta ama "insurance" nafta waa mowduuc aad u wareer badan oo culumada maanta joogta ay aad isugu khilaafeen, sikastaba ha ahaatee waa hadana dhibaato taagan oo waddamada qurbaha qofkii aan ku jirin caymis dhibaato badan buu la kulmayaa.

    Sidaa darteed, heshiiska caymiska ee noocaas ah waad geli kartaa laakiin waa in aadan u qaadan in uu naftaada cayminayo, taas macnuhu maaha, ee waa in aad akhriso shuruudahooda oo aad fahamto, haddii aad kolkaa hubsato in maslaxo kuugu jirto oo aad ku faa'iidayso oo aadna ogtahay in aanay dadkaasi naftaada cayminayn ee looga jeedo cayminta waxyaabo kale sida megdhowga haddii wax kugu dhacaan, waad la geli kartaa heshiiska noocaas ah.

    Haddaba waa in aad hubsato shuruudahaas aan soo sheegnay oo ah, in aad ka faa'iidayso oo adiga faa'iido kuugu jirto, iyo in aad fahamsantahay waxa caymintu tahay oo aad ogaato in aanay nafcaymis ahayn, iyo in aad heshiiska la gasho sharikad ay gaalo leedahay oo aanay ahaan sharikad dad muslimiin ah leeyihiin. Shuruudahaas waxaa laga fahmayaa fiqhiga madhabta xanafiyada.
    Khayr baan kuu rejaynayaa
    - Tuesday, October 11, 2005 at 19:23:53 (CDT)
  2. Su'aal: Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
    salaan kadib Akhii waxaan kaaga mahad celinayaa shaqada aadka ufiican eed islaamka uqabatay iyadoo ah xilli loo baahan yahay oo mujtamicii somaliyeed Wahaabiyo la wareegtay gaar ahaan kuwa qurbaha. Marka waa loo baahan yahay in lamaqlo codka culumada Ahlusunna waljamaacah Allaahna khayr farabadan hakaaga abaalmariyo dadaalkaaga. Intaas kadib Akhii waxan ku waydiinayaa nafta malagalin karaa (life insurance)? maadaama aan ku dhexnoolahay mujtamac aan muslim ahayn oo iyagu systemkaas ku shaqeeya mahadsanid
    Saed Ahmed <raqo5>
    - Tuesday, October 11, 2005 at 19:23:53 (CDT)
  3. Su'aal: Faahfaahin iga siiya kitaabka la yiraahdo "MUNAAQIBKA".
    Assalamau calekum, Walaal waad mahadsantahay, intaa kadib si aan uga jawaabno su'aashaada waxaan u baahanahay in aan ogaado cidda akhrinaysa kitaabka "MUNAAQIBKA" ee aad sheegtay iyo manaaqibkaas cidda uu ku saabsanyahay, maxaa yeelay manaaqibku waa siirada iyo taariikhda culumada qaarkood marka macluumaad badan iga soo sii kitaabka ama magaciisa oo dhan iyo cidda qortay iisoo sheeg si aan markaa talo kuu siiyo.
    - Friday, October 07, 2005 at 09:49:12 (CDT)
  4. Su'aal: Faahfaahin iga siiya kitaabka la yiraahdo "MUNAAQIBKA".
    Assalamau calekum waraxmtullahi wabarakatuhu waxa ahay nin dhalin yaro ah oo waxa u baahanahay in faahfaahin aad iga soo siiso kitaabka la yirahdo MUNAAQIBKA maxa yeelay maalin walba meel agteena yaa wax looga shegaa waa ku mahadsan tahay sheeq sida aad wax noo fahamsiisay wasalamu alekm
    mohamed <full_ofheart>
    - Friday, October 07, 2005 at 09:49:12 (CDT)
  5. Jawaab: Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
    Walaal Axmad Aways, Salaanta Islaamka kadib: Haddii aad qofka aad sheegtay araggiisa ama magaciisa ka naxayso, waxaa laga yaabaa taasi in ay "dareen Nafsi ah" tahay, oo aanay meesha wax kale kuba jirin.

    Waxaa laga yaabaa in aad dareemayso cabsi ama baqdin aad qofkaa ka baqayso sababtuna waxay noqon kartaa, adiga oo u malaynaya in uu awood badan leeyahay ama uu wax wayn tari karo oo dhib wayn kuu gaysan karo, tusaale ahaan: waxaa jirtay casrigii Umawiyiinta in muslimiintu aad uga baqi jireen Xajaaj ninkii la dhihi jiray, oo maqalkiisa iyo muuqiisa labadaba aad looga baqi jiray sababtuna waxay ahayd wuxuu ahaa nin aad u qalbi adag oo dadka laaya.

    Marka walaal dareenka noocaas ah waa "nafsi" loomana baahna qofku in uu cabsado baqdin intaa la eg, waxaana waajib ah in uu Eebbe ku kalsoonaado, maxaa yeelay Ilaah baa mudan in laga cabsado oo laga baqo, inta ka soo hartayna ma mudna in laga baqo.

    Sidaa darteed waxaan kula talinayaa qofka dareemaya baqdinta noocaas ah in uu xasuusto Ilaahii abuuray oo uu ka baqo Eebbe una towbad keeno. Waxaa kale oo uu kaashan karaa in uu ku celcelshomagaca Ilaahay si wirdi ahaan ah asiga oo leh: "Allaahu Rabbii, Allaahu Rabbii, walaa ushrikuhu" oo macnaheedu yahay: "Ilaah waa Eebbahay, Ilaah waa Eebbahay, Una shariig yeelimaayo".

    Wardigaas iyo wixii la mid ah ayuu ku celcelinkaraa inshaa allaahu.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, September 28, 2005 at 19:52:36 (CDT)
  6. Suaal: Maxaa lagu fasiri karaa haddii: "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho in aad naxdo
    Asalaamu calaykum, sheekhoow khayr allaha ku siiyee waxaan ku waydiinlahaa waxa ay tahay ama sida lagu fasiri karo mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo". jazaaka laah.
    Axmed Aweys <naajix>
    - Tuesday, September 27, 2005 at 12:37:46 (CDT)
  7. Jawaab: Ma laga shaqayn karaa Super Market?
    Walaal salaanta islaamka kadib; Waxaan kugula talinayaa in aad shaqo kale raadsato oo aad Ilaahay talo saarato, maxaa yeelay Khamriga iibinteeda iyo cabiddeeda iyo qaadiddeeda dhammaan waa xaaraan, mana fiicna in aad ka shaqayso oo aad iibiso waxyaabo xaaraan ah.

    Ilaahayna wuxuu quraankiisa ku sheegay in uu (irid u furi doono qofkii ka baqa) marka Allah ka baq, oo kaasho cibaadada Ilaahay iyo Allah ka cabsigiisa, hana ka shaqayn super maarkat khamri iyo khaansiir iibinaya. Haddii aad sabarto waxaan hubaa in aad shaqo fiican helayso inshaa allaah.

    Haddii ay shaqadu tahay xamaali oo aad qaadayso alaab, adiga oo aanan garanayn waxa ay tahay, oo aad super maarketka stoorkiisa ka shaqaynayso waa laga yaabaa in aad si kumeelgaar ah uga sii shaqaysato maadaama aadan si toos ah u iibinayn khamriga iyo khansiirka iwm ee xaaraanta ah.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Sunday, September 25, 2005 at 19:51:00 (CDT)
  8. Su'aal: Ma laga shaqayn karaa Super Market?
    Assalaamu caleykum waraxmatulahi wabarakaatuhu walaalayaal waad ku mahadsantihiin waxa aad u qabaneysaan dadka islaamka ah meel kasto oo eey joogaanba walaal su'aasheyda wexeytahay malaga shaqeyn karaa subermarket mise tukaan Yurub ku yaala ayadoo ooy daruuro kuu hayso isla markaasna waxa la qabanayo eey tahay kaashiyeer iyo alaabta la baangeenayo iyadoo ey ku jirto alaabtaas hilib qaansiir/doonfaar oo baakad mise bac ku jira oo jirkaaga taabaney iyo qamri dhalooyin ku jiro
    Sacdiya <sacdiya11>
    - Friday, September 23, 2005 at 08:12:50 (CDT)
  9. Jawaab: Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
    Assalamu calaykum, walaal Maxamad, Cilmi gaar ah oo cilmu-salaf la yiraahdo ma jiro, Selef: afcarabiga waxaa lagu yiraahdaa wixii tegay ee la soo dhaafay, ama awowyaashii inaga horreeyay ee dhintay.

    Salaf-assaalix-na waxaa looga jeedaa muslimiintii noolayd qarniyadii saddexda ahaa ee Islaamka taariikhdiisa ugu horraysay. Erayga Salaf, waxaa markii ugu horreeyay adeegsaday Axmad Bin Xambal asiga oo uga jeeda culumadii ka horraysay casrigiisa ee noolayd casrigii nabiga NNK iyo kii taabiciinta.

    Salafka in loo nisba sheegto ee la isku Magacaabo (Salafiyo) ama hebel as-salafi waxay billaabatay qarnigii afaraad ee hijriyada kolkaas bay soo baxeen dad ah sida abuu cabdullaahi as-Salafi as-Sarakhsi iyo qaar kale oo badankoodu Muxadisiin ahaa.

    Salafiyada Maanta iyo erayga Salaf
    Sebenkan aan joogno waxaa soo baxay koox isku sheegaysa Salafiyo oo u nisbo sheeganaya sida ay sheeganayaan Salafkii Saalixa ahaa!

    Kooxdan magacyo kaladuwan bay la baxday tan iyo markii ay ka soo baxday jasiiradda carabta, markii hore waxay isku magacaabeen Muwaxidiin, kadibna Ikwaan, kadibna Salafiyo, haddana waxay isku sheegaan Ahlusunnah, waxayna u kala qaybsameen laba kooxood oo midi taageersantahay dowladda Sacuudiga oo isku magacaaba (al-Firqah al-Naajiyah) oo ay ka wadaan in ay yihiin kooxda kaligood jannada geli doona, iyo kooxda labaad oo ah al-Qaacida oo ka soo horjeeda dowladda sacuudiga.

    Kooxdaas u kala jabtay kooxahaas, waxaa Muslimiintu u yaqaanniin Wahhaabiyo, waana koox qaar badan oo ka mid ah ay lunsanyihiin oo diinka Islaamka ka bexeen, waxayna ictiqaadsanyihiin caqiido tajsiim iyo tashbiih ah.

    Cilmiga Salafka! Hadaba halkaa waxaa kaaga cad in uusan jirin wax la yiraahdo cilmu salaf, ee ay waxaasi yihiin barabagaandho ay wahhaabiyadu shaacbixisay si ay Muslimiinta ugu khaladdo oo ugu been sheegto kuna tiraahdo cilmigii salafka ayaan ku taagannahay!! Sidaa darteed waxaad arkaysaa in ay leeyihiin (Sunnadii baan haysannaa, Kitaabkii baan ku dheggannahay, Salafkii baan raacsannahay, Towxiidkii saxa ahaa ayaan haysanaa, Xaqii baan ku taagannahay!! iwm) oo ay maanta oo dhan dadka waxaa kula qaylinayaan, marka taas ayaana daliil kuu ah oo ku tusaysa in kooxdani lunsantahay, maxaa yeelay Muslimiinta wax sidaa leh ku arki maysid.

    Hadaba walaal, waa in aad ka digtoonaato dadka noocaas ah, ee sheeganaya in ay cilmigii Salafka haystaan, annagu ma naqaan cilmi gaar ah oo la yiraahdo cilmigii salafka!! Cilmiga sharciga ah waa kii Eebbe Nabi Muxamad ku soo dejiyay NNK, oo Muslimiintu barteen oo culumadoodu diiwaangelisay ama ha ahaadeen culumadii hore ee salafka ama kuwii dambe waa isku hal cilmi ah waxaana u asal ah Kitaabka iyo Sunnada.

    Marka qoladii sheeganaysa in ay cilmi gaar ah oo aan muslimiintu fahmin haysata sida uu sheegtay wadaadka wahhaabiyada aasaasay ee loo yaqaan Maxamad bin cabdulwahhaab, diinkiisu diin Islaam maaha, muslimiintana ka mid maaha qofkii sheeganaya cilmi aanay muslimiintu garanayn.
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, September 21, 2005 at 22:08:04 (CDT)
  10. Su'aal: Cilmu Sakaf maxaa looga jeedaa?
    asallaamu calaykum, wallal waxaan jeclaan lahaa inaad iftiin bixisaan su'aal ku saabsan cilmu salaf waxa looga jeedo.
    mohamed <biibay>
    - Wednesday, September 21, 2005 at 21:44:17 (CDT)
  11. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
    Thanks for your wonderful and tireless effort of serving your fellow Somalis to understand and fulfill their committment towards the Islam.

    I am very proud to have you someone like your with your caliber of the Muslim religion who could facilitate with a vivid explaination.

    May Allah reward you here on earth and here after. Please keep on your struggle to defeat the Wahabis and their hidden agenda to defiate the Muslim from their the true path. Once more, thank you very much. Let me know if I can be of any help.
    MR Daud Ali Ahmed
    Chairman of Somali cultural association in the Netherlands
    MR Daud Ali Ahmed <dhimbil>
    - Wednesday, September 21, 2005 at 21:37:06 (CDT)
  12. Jawaab: Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
    Assalamu calaykum; Walaal sida quraanka Eebbe ku caddeeyay sadaqada waxaa leh fuqarada iyo masaakiinta, qof kasta oo dhibaataysan oo ama miskiin ah ama faqiir ah sadaqado ayuu mudanyahay ama muslim ha ahaado ama gaal ha ahaadee, marka dadka Maraykanka ah ee dhibaatadu ka soo gaartay duufaanka iyo daadadka saddaqo in la siiyo way bannaantahay sharci ahaan inkasta oo fuqarada iyo masaakiinta muslimiintu ka mudanyihiin sadaqadaas.

    Sikastaba ha ahaatee, qofkii muslim ah ee jooga Maraykanka siiba meelaha dadku wax ku gaareen ee dhibaatooyinku ka dhaceen in uu wax ku sadaqaysto dadkaas dhibaataysan haddii uu awoodo waxba kuma jabna oo way bannaantahay. Laakiin qofkii muslim ah ee jooga waddan kale ama meelo ka fog meelaha dhibaatadu ka dhacaday waxaa loo qaatay in uu waxa uu sadaqaysanayo siiyo fuqarada iyo masaakiinta muslimiinta ee u baahan taageero iyo waxtar.

    Qofkii muslim ah ee waxsadaqaysanaya waxaa la gudboom in uu ku sadaqaysto fuqarada iyo masaakiinta muslimiinta, laakiin way bannaantahay sharci ahaan in lagu saddaqaysto wax dadka aan muslimka ahayn ee deggan Maraykanka haddii ay buuxshaan shuruudihii faqiirnimada ama miskiinnimada.
    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, September 15, 2005 at 17:49:04 (CDT)
  13. Suaal: Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
    Su'aasha aan idin weydiinayo waxay tahay, jabka hada soo gaaray marekanka qof muslim ah miyuu siinkaraa mucaawino?
    Maxamuud Ibraahim <mudu15@gmail.com>
    - Wednesday, September 14, 2005 at 01:06:10 (CDT)
  14. Jawaab: Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
    Salaanta Islaamka kabacdi, walaal horta qofka aad sheegtay ee aad ku magacawday "Umul" anigu ma aqaan mana maqal, kutub uu qorayna ma akhrin, marka wax aan ka dhihikaro ma jiraan shakhsigaas, laakiin masaa'ilka aad i waydiisay ayaan kaaga jawaabikaraa.

    Khamrigu Waa Najaas: Midda hore ee ah in khamrigu daahir yahay waa hadal aanan sal iyo baar lahayn, culumada afarta mad-habadood way isku raacsanyihiin in khamrigu nijaas yahay daliilkooduna waa aayadda (90) ee Suuradda al-Maa'iddah ku soo aroortay. Aayaddaas oo sicad oo aan ta'wiil u baahnayn u xustay Khamriga kuna tilmaantay in uu "Rijsi" yahay oo waliba amartay in laga fogaado.

    Sidaa darteed, culumada afarta mad-habadood waxay isku raacsanyihiin in ay najaas tahay oo aanay daahir noqonayn haddii aanay isbeddelin oo aanay khal noqon.
    Marka halkaas waxaa kaaga cad in uu qofka leh waa daahir uu jaahil yahay Islaamkana uusan waxba ka fahmayn.

    Mataggu waa nijaas: Sidoo kale afarta mad-habadood way isku raacsanyihiin in mataggu najaas yahay, marka qofkii yiraahda waa daahir waa jaahil aanan warkiisu waxkasooqaad lahayn.

    Xoolaha Mowliidka loo qalo:Waa xalaal, culumada oo dhan way isku raacsanyihiin, qofkii xaaraameeyana waa kaafir, maxaa yeelay xalaasha Eebbe lama oggola in la xaaraameeyo.

    Sidoo kale weelasha lagu karsho waa daahir, qofkii waa najaas yiraahdana waa kaafir, maxaa yeelay kitaabka ayuu beenshay iyo xaddiiska nabiga -nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

    Qofkii aaminsan in Eebbe dhulka u soo degayo waa kaafir: Culumada oo dhan waxay isku raacsanyihiin in aanay jirin wax Eebbe ekaankiisa ah sida quraanka loogu caddeeyay (Wax Ekaankiisa ah ma jiraan) ama wax shabbaha ma jiraan.

    Sidaa darteed, qofkii yiraahda Eebbe wuu dhaqaaqayaa, ama wuu soo degayaa, ama dhulka ayuu fariisanayaa, ama samada ayuu fariisanayaa, ama kursiga ayuu ku fariisanayaa, dhammaan hadalkaan waa kufri, culumada oo dhanna way isku raacsanyihiin.

    Caqiidada Kooxda Wahhaabiyada
    Horey ayaan dhowr jeer uga digay caqiidada kooxda wahhaabiyada oo ah caqiido tajsiim ku salaysan oo culumada oo dhan isku raacsanyihiin in ay kufaar yihiin. Mujasimadu waa kufaar, qofkii caabuda jismi waa kaafir, qofkii sanam caabuda waa kaafir mushrik ah.

    Ilaaha Wahhaabiyada:
    Sidaa darteed, wahhaabiyada Ilaahoodu waa jismi samada jooga oo kursi wayn kula fadhiya cirka, sida sheekhooda ay caabudaan ee ay ku magacaabaan "Ibn Taymiyah" ugu sheegay kutubtiisa.

    Waxay aaminsanyihiin in uu fadhiyo meesha ku aaddan kacbada ee cirka ah asiga oo ku fadhiya kursi, oo uu habeenkii soo laalaadsanayo sidi laastiko ama xarig dheer asiga oo kursiga ku fadhiya ayuu dhulkana soo taabanayaa sida uu sheegay Ibn Taymiyah!! Kolka dadka Ilaaha noocaas ah caabudaya iyo annagu isku diin maahin.

    Ilaaha wahhaabiyadu waa sidii Ilaahyadii Kufaartii Jaahiliyada
    Kolka waxaa halkaa kaaga cad in wahhaabiyadu caabudaan sanam sidii carabtii jaahiliyada oo kale, laakiin waxaa u dhaxeeya in carabtii hore rumaysnaayeen in Ilaahyada dhulka jooga ee kacbada ay dhigeen ee sanamyada ah ay wakiil ka ahaayeen Ilaah wayn ee Cirka fadhiya.

    Wahhaabiyadu waxay dhaheen Ilaaha Cirka fadhiya wakiillo dhulka uma joogaan ee asiga ayaaba wareegaya oo soconaya oo iskiis dhulka ugu soo degaya, waxay dhaheen cirka ayuu kursi kula fadhiyaa, habeenkii ayuu soo laalaadsanayaa sidii laastiko ama xarig dheer. Sidaa waxaa kutubtiisa ku sheegay Ibn Taymiyyah.

    Marka hadalkii oo kooban wahhaabiyadu waa kufaar hadalkaasna uma baahna dood iyo daliil toona maxaa yeelay kutubtooda ayay ku caddeeyeen, marka qofkii wax yaqaan ha akhriyo kutubtooda qofkii aanan wax aqoonna culumada warkooda ha dhegaysto.
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Saturday, September 03, 2005 at 22:08:56 (CDT)
  15. Su'aal: Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
    Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay, oo diintii duminaaya, waxyaabaha uu sheegayo waxaa ka mid ah, in khamrigu daahir tahay, in matagu daahiryahay, iyo in xoolaha mowliidka looqalo weelasha lugu kariyo la daahiriyo, iyo in guddi loo saaray meesha uu ilaahay dhulka uga soo dago ay go'aansadeen in uu maka ku soo dago! subxaanallaahi camaa yasifuun. sheekhoow ninkaas maxaad ka dhihi lahayd.
    saadaq shiikh ali <saadaq78>
    - Saturday, September 03, 2005 at 12:34:34 (CDT)
  16. Jawaab: Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
    Walaal salaanta Islaamka kadib, naagtaada haddii aad taabato korkeeda adiga oo wayso qaba in ay waysadu kaa jebayso waxaa qaba mad-habta shaaficiyada iyo Xambaliyada iyo Maalikiyada.

    Khilaaf yar ayaa u dhaxeeya Shaaficiyada iyo labada kale ee ah (Xambaliyada iyo Maalikiyada) kaas oo ah in Xambaliyada iyo Maalikiyada ay taabashada ka wadaan midda shahwada ah ee dareenka leh, macnaha haddii uu qofku u taabto haweenayda shahwo darteed.

    Xanafiyada
    Mad-habta Xanafiyada ma qabto marnaba in ay taabashada haweenaydu waysada jebinayso, maxaa yeelay "lamsi-ga" lagu sheegay aayadda waxay u fahmeen "jimaaca" ama isutagga ragga iyo haweenka.

    Kolka halkaa waxaa kaaga cad in mas'aladu tahay khilaafi oo laysku khilaafay. Taa waxaa la jirta in aanay mas'aladan ahayn mas'alo caqiido ku saabsan ee ay tahay fiqhi "farci" ah.

    Arrinka Wahhaabiyada
    Wahhaabiyadu walaal sida aad ogtahayba waa koox aanan ixtiraamayn afarta mad-habadood ee muslimiintu leeyihiin, marka caqligal maaha in ay qaateen mad-habta Xanafiyada, kolka meesha ay figraddaas ka keeneen ayaaba la yaab leh.

    Wahhaabiyadu Abuu Xaniifa Allaha ka raalli noqdee waxayba u haystaan in uu nin jaahila ahaa oo mad-habtiisa way dacaayadeeyaan, marka u malayn maayo in ay hadalkaas mad-habta xanafiyada ka qaateen, ee madaxooda ayay kala yimideen maxaa yeelay waxay isu malaynayaa in ay mujtahidiin yihiin.

    Halaga digtoonaado kooxaha fidnada ah
    Boqolaal jeer ayaan ka digay kooxaha habowsan ee fidnada ah ee maanta caalamka Islaamka sida xoogga leh ugu fiday sida wahhaabiyada, ayaga oo kaashanaya lacagta batroolka sacuudiga iyo lacagta Maraykanka uu siiyo si ay caalamka Islaamka u fasahaadshaan, marka waxaan ku waaninayaa intii Muslim ah in ay indhaha furaan oo iska jiraan kooxda wahhaabiyada.

    Aad baad u mahadsantahay walaal, towfiiqda allaha idinku aaddiyo dhammaantiin.
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Saturday, September 03, 2005 at 21:20:49 (CDT)
  17. Su'aal: Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
    Walaal salaan kadib waxa aan rabaa in aad wax iiga sheegto mas'aladaan ee ay ku doodan qolooyinka wahaabiyada ee ah in naagtaada weeso kaa jabin, ayaga oo dhahaayo nabiga ayaa asiga oo tukanaayo caa'isha lugaha ku hor fidisay, kadib ayoo gacantiisa isaga leexiyay salaadina waa watay! waa yaabe taa ka waran ma jirtaa? inteese ka keenin?
    Mid aan diinka sidaas ugu xeel dheereen laakin nin xujo badan ah ayaa yiri: ar wahaabyow hadii habeen aheed mugdi ah caa'isha lugteedana maro saaran tahay hadii uu iska leexiyo maxaa ku jaban? oo teed la'aan ma iyada ayaa ah? marka jawaab waafi ah ayaan kaa sugayaa.
    Nuurka Cilmiga hala raaco <ahlusunna>
    - Wednesday, August 24, 2005 at 11:49:00 (CDT)
  18. Jawaab: Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
    Assalaamu calaykum:
    Walaal Siciido, waad mahadsantahay, jawaabta su'aashaadu waa sidan:
    Ku nagaashada masjidka
    1. Jumhuurka culumadu waxay qabaan in aanay bannaanayn in qof caado qabaa masjidka soo galo ama ku nagaado, haddii ay caado ku dhacdo asiga oo ku jirana uu ka baxo, sidaa waxaa qaba culumada afarta madhabadood, waxayna soo daliilsadeen xadiiska nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, ee leh: "In Nabigu yiri: u bannayn maayo masaajidyada qof caado qaba ama junub qaba". Xadiiskan waxaa soo weriyay culumo badan kutub badan ayuuna ku soo arooray, waxaa kutubtaas ka mid ah "Nasb ar-Raayah" kitaabka la yiraahdo ee uu qoray xaafidkii Saylici ahaa oo ka mid ahaa culumadii soomaalida ee noolayd qarnigii siddeedaad ee hijriga bartamihiisii.

    Wuxuu yiri Xaafidkii Cabdullaahi Bin Yuusuf az-Zaylici, Xadiiskan waa saxiix anigu dhihi maayo laakiin waa xadiis "Xasan ah".

    Sababtuna waa in ay culumada qaar ka hadleen dadka xadiiska soo weriyay qaarkood, laakiin si kastaba ha ahaatee, culumada jumhuurku waxay qabaan in aanay bannaanayn in qof xayl ama caado qabta uu masjidka ku nagaado, sida uu ku sheegay sancaani kitaabkiisa subulus-salaam, wuxuu yiri, waxaa khilaafay jumhuurka, Daa'uud ad-daahiri oo kaliya.

    Taabashada iyo qaadidda kitaabka Quraanka:
    2. Arrinka labaad waa qaadidda kitaabka quraanka, arrinkan asigana axaadiis badan ayaa ku soo aroortay laakiin badankoodu waa daciif, waxaa ku jira qaar maraasiil ah oo culumadu hadal badan ka dhaheen, laakiin mad-habta jumhuurku waa in aanay bannaanayn in la qaado ama la taabto kitaabka quraanka ah ayada oo aan daahir la ahayn, waxayna soo daliilsadeen aayadda quraanka ah ee leh "ma taabtaan wax aan ahayn kuwa daahirka ah".

    Khilaafka wahhaabiyada
    Kooxda wahhaabiyada ayaa khilaaftay hadalkii jumhuurka oo ku andacooday in kitaabka la taabankaro oo la qaadi karo ayada oo aan daahir la ahayn, taasna waxaa ugu wacan jaahilnimadooda iyo ixtiraam darradooda aanay culumada warkooda ixtiraamayn, iyo tafsiirka khaldan ee ay tafsiirsheen aayadda aan kor ku soo sheegnay, hadalkooduna waxkasoo qaad malaha, maxaa yeelay hadal culumo maaha ee waa hadal dad juhalo ah dheheen.

    Akhriska Quraanka ayada oo Caado la qabo
    Culumada jumhuurka ah dhammaan waxay isku raacsanyihiin in haddii akhrisku yahay akhris qalbiga ah oo qofku quraanka qalbiga ka akhrinayo asiga oo aan ku dhawaaqin ay taasi bannaantahay oo aanan waxba ku jabnayn.

    Laakiin haddii akhrisku yahay dhawaq oo uu qofku ku dhawaaqayo culumadu way diideen oo ma bannayn siiba shaaficiyada waxay qabaan in ay taasi xaaraan tahay. Culumada kalena waxay banneeyeen wixii adkaar ah ama ducooyin ah ee ay aayado quraan ah ku jiraan. Culumada maalikiyaduna waxay banneeyeen haddii qofku uu tacliin awgiis u akhrinayo, sida haddii uu macallin yahay oo uu arday waxbari lahaa, waxay u ogolaadeen in uu akhrin karo quraan inkasta oo uu caado qabo.

    Marka walaal hadalkii culumadu waa kaas, sidaas ayaan kuugu faahfaahshay, ee caqligaaga ku kaasho, hana dhegaysan kuwa hadalka culumada liidaya ee ayagu culumo iska dhigaya ayaga oo aan xataa afcarabiga akhrin karin ayay aayado iyo axaadiis aanay garanayn waxa looga jeedo soo daliilsanayaan, siiba kooxda wahhaabiyada, waa dad cajiib leh.

    Waxaan arkay qaar badan oo igu yiri: Daliil baan haysanaa!! kolkaas baan ku iri, ma akhriseen kutubta culumada ee fiqhigu ku qoranyahay iyo shuruuxda xaddiiska iyo tafaasiirta? Kolkaas bay igu dhaheen "Carabiga ma naqaanno oo iskuma fiicnin!" isla markaana aayado iyo axaadiis ayay soo daliilsanayaan!!

    Laaxowla walaa quwata ilaa billaah, marka walaal anigu hadalkii culumada ayaan kuu soo sheegayaa, haddii aad carabiga ku fiicantahay, u laabo kutubta fiqhiga ah iyo kuwa xadiiska lagu sharxay ee mas'aladan aad loogu faahfaahshay, laakiin ha maqlin kuwa ku dhahaya aayad daliil ah ama xaddiis daliil ah ina sii, ayaga oo aanan aqoon macnaha erayada afcarabiga ah!! bal maxay ka fahmayaan haddii aayad loo sheego ama xaddiis loo sheego, yaa u fasiraya, shaydaan ayaa tafsiir khalad ah siinaya, illee waa wax qalbiga ka jirrane, markaas bay diin shaydaan la soo baxayaan ayaga oo ismoodaya in ay Islaamkii saxa ahaa ku taaganyihiin!!
    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, August 14, 2005 at 23:49:08 (CDT)
  19. Su'aa: Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
    Sheekh su'aasha aan qabaa waxa weeye 2 su'aalood, tan 1aad waa: aniga oo qaba dhiiga xeelka masjidka maku nagaan karaa anoo dhageeysanaya maxaadaro?. Tan 2aadna waa: anoo qaba dhiiga xeelka ah kitaabka quraanka ma qaadi karaa mana aqrin karaa. a\c
    suleeqo <suleeqosiciid1>
    - Sunday, August 14, 2005 at 14:52:11 (CDT)
  20. Jawaab: Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
    Assalamu calaykum;
    Walaal ugaaso, waad mahadsantahay, haddii aan su'aashaada kaaga jawaabo, culumadu waxay dhaheen furitaanku waa laba nooc, mid waa midka ay u baxsheen "Sariix" oo ah "mid cad" oo loo adeegsanayo erayo ah sida "waan furay" ama "waa iga furantahay" iwm, oo qofkii maqla ka fahmayo in macnahoodu yihiin furitaan cad, hadba sida luqadaas lagu hadlayo tahay.

    Furitaanka noocaan ah culumadu waxay dhaheen shardi maaha in uu ninku la yimaado "niyo" ee haddii uu naagtiisa ku yiraahdo "waan ku furay" ama uu asigu yiraahdo "naagtayda waan furay" ay ka furmayso ama ha niyaysto ama yuusan niyaysan.

    Furriinka noociisa labaad waa nooca aan "sariixa" ahayn ee "kinaayada" ama sarbeebka loo yaqaan sida haddii uu ninku naagtiisa ku yiraahdo "bes waaye, dan kale kaama lihi ee ciddiini aad", hadalkaas laga fahmi maayo furriin kaliya ee waxyaabo kale ayuu noqon karaa, laakiin haddii uu ninku niyaysto oo uu furriin ka wado naagtu way ka furmaysaa.

    Tusaale ahaan haddii uu kugu yiri: "Naagtayda labaad, waa iga furantahay", way ka furantahay ama ha dhaarto ama yuusan dhaaran ama ha niyaysto ama yuusan niyaysan. Haddii uu yiraahdo: "naagtayda waa inoo kala dhamaatay ee reerkeeda ha iska aaddo", haddii uu niyaystay in uu furo way ka furantaa haddii kalena kama furanto. Intaa kabacdi, haddii uu been ku dhaartay ee ku yiraahdo naagtaydii waan furay, ama naagtaydii waan kala tagnay, oo hadalka uu sheeko ahaan kuugu sheego, sidaa naagtu uga furmi mayso, laakiin wuu dambaabayaa maxaa yeelay been buu ku dhaartay adigana been buu kuu sheegay.

    Waxaa kale oo aad ogaataa, in aanay beenta jaadkan ah ahayn beenta la ogolyahay ee loo banneeyay ninka iyo naagta si ay isu raalli gelshaan, beenta noocaan ah maaha midda la banneeyay.

    Marka walaal, hadal iyo dhammaantiis, haddii ninku yiraahdo "naagtaydii labaad way iga furantahay" way ka furantahay, ama ha dhaartao ama yuusan dhaarane, laakiin haddii uu yiraahdo waan isfurnay asiga oo been sheegaya ka furmi mayso laakiin wuu dambaabayaa.
    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, August 14, 2005 at 23:16:48 (CDT)
  21. Su'aal: Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
    Sheekh ninkeeyga haduu igu qanciyo, in uu xaaskiisa kale furay oo yiraahdo xaaraan bay iga tahay kitaabna uu gacanta galiyo oo ku dhaarto inuu san naag kale qabin, haduusan ayadana u sheegin inuu furay ani lee og, naagtaas may ka furmee sh. iiga soo jawaab
    ugaaso <ugaaso5>
    - Sunday, August 14, 2005 at 14:47:03 (CDT)
  22. Jawaab: Su'aal: Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
    Maxamad Salaanta Islaamka kadib, Walaal waan helay qoraalkaagii waadna ku mahadsantahay, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan la kulmo qof sidaada oo kale cilmiga akhristay oo fahamsan Islaamka.

    Qoraalkaaga waxyar oo su'aalo ah ayaan ka qabaa, waana arrinka ku saabsan kufrinta wahhaabiyada iyo ibn Taymiyyah iyo xijaabka carruurta lagu khasbayo.
    Marka walaal wahhaabiya sababta aan u kufrinayo waan caddeeyay anigu, waana in ay Muslimiinta kufrinayaan, qofkii muslimiinta kufriyana asiga ayaa kaafir ah sida xaddiiska nabigeennu caddeeyay, ninkii walaalkiisa muslim ah yiraahda kaafir baad tahay, asiga ayaa kaafir ah.

    Midda ah xijaabka carruurtana, adiguba waad ogtahay in aanan carruurta xijaab ku waajibin, marka bal iisheeg waxa aad leedahay waa xaq, ma waxaa xaq ah in carruurta yaryar ee aanan qaan gaarin xijaab lagu waajibsho? xagee taasi sharciga kaga taal? Adiga oo iga raalli ah iisoo sheeg daliilka gabdhaha yaryar ee carruurta ah ee aan qaan gaarin xijaabka ku waajibinaya!!

    Midda labaad, Kufrinta ibn Taymiya, anigu ma billaabin, ee culumadii casrigiisa joogtay ayaa isku raacday in uu ninkaasi kaafir yahay.Hadalka ibn Xajar ee aad sheegtayna waa run oo waan akhriyay, laakiin ibn Xajar waagiisii dhibaatada uu hadda ninkaasi inagu hayo ma jirin, macnaha fidnada Ibn Taymiya ma jirin casrigii Ibn Xajar, sidaa darteed ibn xajar xukun sharci ah kama gaarin arrinkaas ee wuu iska dhaafay, sababtuna waa in aanan mas'aladaas waagiisii taagnayn. Laakiin culumadii la kulmay ibn taymiya dhammaantood way ka digeen wayna kufriyeen sida Tajaddiin as-Subki iwm.

    Taa waxaa kuula jirta in Wahhaabiyada maanta jirta aysan Ibn Xajar iyo Nawawi ku xisaabinayn ahlusunnada, bal akhri waxa uu qoray Sifr al-Xawaali iyo Fawzan iyo Ibn Baaz iyo qaar kale oo badan oo ka mid ah mutacasibiinta Wahhaabiyada.

    Mubtadicada wahhaabiyadu waa kufaar
    addilladuna way badanyihiin, waxaa ka mid ah midda aan kuu sheegay, waxaa kale oo ka mid ah ictiqaadkooda faasidka ah ee tajsiimka ah. Iyo qaar kale oo badan oo aan qoraalladayda ku caddeeyay, haddii aad doonto u laabo, si aanan halkan ugu soo celin mar labaad.

    Mubtadicada aan la kufrinayn waa kuwama
    Tan kale, waxaad ogaataa, mubtadicada aan la kufrinayn ee aad sheegtay ma aha kuwan, ee waa kuwa aanan bidcadooda dadka ugu yeereyn, oo aan muslimiinta kale kufrinayn, laakiin haddii ay bidcadooda dadka ugu yeerayaan oo Muslimiinta kufrinayaan waa la kufrinayaa.

    Tankale waxaad ogaataa, in aanan annagu kufrinayn Wahhaabiyada oo dhan, ee waxaan kufrinaynaa kuwa madaxda u ah ee dacwadaas ugu yeeraya dadka, laakiin qofkii caamo ah ee iska dabasocda ama iskala tukanaya asiga oo aanan garanayn waxa ay sheegayaan iyo waxa ay uga jeedaan la kufrin maayo inta uu ka baranayo xaqeeqada mad-habtooda.

    Marka walaal khayr baan kuu rejaynayaa aad baadna u mahadsantahay.
    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, August 11, 2005 at 18:59:09 (CDT)


  23. Su'aal: Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
    Salamu alaykum
    warahmah! Walaal marka hore sida kor ku xusan waad salaaman tahay. Waxaan si kadis ah u arkay baydkaagaan, Waxaana aad ugu riyaaqay inay weli jiraan dad fahamsan Wadciga Islaamka iyo jahawareerka ay salafiya isku sheeggu ku hayaan dunida muslimka, gaar ahaanna soomaalida.

    Socdaalkayga Taariikhiga ah ee waxbarashada
    Hadii aan wax yar iskaga kaa sheekeeyo waxaan ahay nin hadda degan Sweden ahna dadkii markii hore ka bilaabay barashada diinta culimadeenii Ashaacirada ahayd dhinacaga caqiidada, dhinaca fiqhigana shaaficiyada. Waxaa intii aan dhalinyarada ahaa sida dad badanba ku dhacday aan galay kuna qancaya fikirka Salafiyiinta. Inkastoo aan aad ugu qanacsanaa afkaartooda inta badan, hadana waxaa weli ugu taagnaa su'aalooyin badan oo dhinaca caqiidada ah. Muddo dheer oo aan taxayur iyo wareer ku jiray waxaan naftayda u sheegay in ay tahay waajib i saaran inaan diintayda aan Ilaahay ku caabudaayo iyo caqiidadayda aanan cidna iskaga taqliidinin ee aan wax baaro. Waxaan akhriyay kutibta caqiidada ah ee ay salafiyadu lahaayeen sida: Fataawada, Minhaajulsunnah ee Ibn Taymiyah. Sharaxa ay Dhaxaawiyada iyagu saareen (Ibn cabd alciss alxanafi) oo uu taxqiijiyay Albaani, Fataawada caqiidada ee Ibn Baas iyi Cuthaymiin. Kutubta caqiidada ah ee Muxammed Ibn Cabdilwahaab oo dhan iyo kutubo rasaailo badan oo kale.

    Dhinaca kale waxaa Ilaahay ii qadaray inaan akhriyo Alibaanah fii Usulu Dayaanah iyo Maqaalaat Al-islaamiyiin ee Shiikheena Abu Hasan Alashcari, Kitaabka Tawxiidka ee Ibn khusaymah, Dafcu Shubahu tashbiih ee Ibn Aljawsi oo uu taxqiijiyay Saqaaf. Sidoo kale sharaxa axaadiisda sifoyinka ee Fatxul Baari iyo Saxiixu-muslim ee Alxaafid ibn xajar iyo Imaam Nawawi, Waxaan kaloo akhriyay qaar ka mid ah maqaalaatka Kawthari, Waxaa kale uu Ilaahay ii sahlay inaan helo kitaabka Tabyiinu kadibil muftraa fii maa nusiba ilal Imaami Alashcariyi ee Ibncasaakir iyo aldurar Alkaaminah ee Ibn Xajar.

    Faa'iidooyinka Cilmigu leeyahay!
    Intaa ka dib waxaan soo ogaaday waa Alle mahadiise in raggan maanta sheeganaya salafiyada ay ka danbeeyaan xanaabiladii mutacasibinta ahayd ee minbarada ka lacnadi jirtay Imaam Al ashcari, waa kuwii u diiday Khadiib Baqdaadi masjidka, Hujuumna ku qaaday Imaam Qushayri ilaa iyo dhiig la iskaga daadiyo jidadka Baqdaad. Anigoo markaas Ilaahy i tusay sida xaqiiqda ah ee ay wax u jiraan, waxaan hadana aad uga murugaysanahay sida ay mujtamaca soomaaliyeed intooda badan, gaar ahaanna kuwa ku nool qurbaha ay u afduubsadeen ragaan.

    Taas oo aan ogahay sababaha keenay. Waajibna ay tahay in qof kasta oo wax ka og arintaan uu wax ka qabto. Sidaas darteed ayaan aad ugu riyaaqay bogaagaan iyo sida wayn ee aad adiguna arimahaan ugu daba gashay mudada dheer. Waxaan Ilaahay kaa rajaynaayaa inuu kuu abaal mariyo khayrka, naguna wada aadiyo jidka saxsan.

    Arrimo aan faahfaahin u rabo..
    Anigoo kugu waafaqsan ka hortagga nimankaan iyo in dadka soomaaliyeed loo soo bandhigo xaqiiqda, ayay hadana tahay inaan is xasuusino inaynaan ka tagin cadaalada annagoo ka duulayna Ilaahay amarkiisa: Marka arimaha aanan kugu waafaqsanayn waxaa ka mid ah: inaan gaarsiinno gaalayn: Weligeed way jireen qolooyin bidco ah sida muctasilada iyo shiicada, Ahlusunnuhuna maysan wada gaalayn si guud ee way kala saareen cidii bidcadeedu gaalnimo gaarto iyo cidii ay bidcadeedu ay tahay baadi kaliya. Tusaale waxaan kuu siin karaa halka aad adigu ka gaalaysay Ibn Taymiyah wuxuu Ibn Xajar kitaabkiisa Durar Alkaminah kaga hadlay dhowr safxadood taariikhdii Ibn Taymiyah, Isagoo cadeeyay qaar ka mid ah khaladaadkiisii, hadana muu gaalayn ee hadalka wuxuu kusoo khatimay in ninkani uu dhintay, qof walibana uu Ilaahay la hortagayo wuxuu hormarsday ooyna hada muhim ahayn inaan gaalnimo ku xukuno iyo in kale. Mar kale waxaad soo sawirtay gabdo yar yar oo xijaab wata adigoo leh: Waa caruur yar yar oo lagu khasbay inay xidhtaan dharka wahaabiyada. Marka walaal Ilaahay ka yaab, xusuuso aayadii hore: (ay idiinku khasbin caro aad dad u qabtaan inaydaan cadaalad samayn. Sameeya cadaalada, sidaas ayaa udhow taqwada) Walaal in habluhu is asturaan waa aayad Qur'aan ah ee maha wax wahaabiyadu leedayahay ee ha inaga siin Qur'aanka cid kale.

    Maxaa keenay in Salafi isku sheegu ay wadankeena qabsadaan?
    Waxyaabaha keenay in Salafi isku sheegu ay wadankeena qabsadaanna waxaa ka mid ahayd iyagoo in badan oo culimadeenii hore ka mid ah ay ka tageen shacaa'irtii Islaamka sida in gabdhaha Islaamku ay gashtaan xijaabka sharciga ah, in gabdhaha la baro diinta oo ay ugu horayso salaada, hadaba markii ay caamadui aragtay rag ku yaera dadaalaya muuqaal Islaami ah, waxay u qaateen inay iyagu haystaan jidkii saxsanaa iyagoon cilmi u lahayn waxa ka hooseeya muuqaalka. Waxayna u arkeen in raggii hore ay khuraafaad ahaayeen waxay meesha ku hayeen.

    Gabagabo
    Marka walaal anigoon doonayn inaan hadalka kugu sii dheereeyo, waxaan marka hore naftayda iyo taadaba ula dardaarmayaa cabsida Ilaahay,marka danbana hadii aan doonayno inaan ka hortagno wax baadil ah aan ka hor keeno wax xaq ah, Sababta oo ah baadil waxaa burburiya xaq ee baadil kale waxba kama qado. Waxaan kaa sugayaa jawaab. Wasalamu alaykum waraxmah.
    Mohammed <mohacom03>
    - Thursday, August 11, 2005 at 16:30:04 (CDT)


  24. Jawaab: ma haboon tahay nin aan..?
    Salaanta Islaamka kadib: Walaal ma bannaana in qof wax aadan hubin lagu sheego, ama jeclow qofkaa ama necbow, maxaa yeelay sheegidda waxa aadan hubin, waa been, qofka beenta sheegana waa faasiq, sidaa darteed aayadda 6aad ee ku soo aroortay suuradda al-xujuraad ayaa inoo caddaysay arrinkaas.

    Su'aashaada labaad ee ah: Wahhaab macnihiisu muxuu yahay?
    Wuxuu ku yiri Zajaj, kitaabkiisa Tafsiir as-maaullaah: "Wahhaab waa wazniga (Facaal), wahabtu waxaa laga wadaa: wax baan siiyay aniga oo aan wax ka qaadan, Ilaahayna waynaayee waa kan hibooyinka oo dhan hibeeya".

    Marka walaal "Wahhaab" waa magac magacyada Ilaahay ka mid ah, macnihiisuna sida uu sheegay Abu Isxaaq az-Zajaj, waa in qof wax la siiyo adiga oo aan waxaa aad siinayso wax kale uga doorsanayn ama ka qaadanayn qofkaa wax kale.
    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, August 10, 2005 at 20:12:41 (CDT)


  25. Suaal: ma haboon tahay nin aan..?
    Waad salaaman tihiin: Salaan ka dib su'aasheyda waxey tahay ma haboon tahay nin aan necbahay in aan wuxuusan ahayn ama aanan ku hubin ka sheego haddii xataa uu yahay wahaabiyo???? Micnaha wahaabna waa maxay? Mahadsanidiin
    abdalla <abdalla_albakri>
    - Wednesday, August 10, 2005 at 03:41:00 (CDT)
  26. Jawaab: Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
    Walaal, salaan kabacdi; Waxaan doonayaa in aan kaaga jawaabo su'aashaadii ahayd: Xaaskaagu waysada ma kaa jebiyaa?
    Walaal Mad-habta Imaam Shaafici ayaa waxay qabtaa, in naagta haddii aad korkeeda meel ka taabato ay waysadu kaa jebayso, ama naagtaada ha ahaato ama mid kale ha ahaatee, haddii aanay ahayn xigto sida hooyada iyo walaasha iwm ee ku xukun ah.

    Mad-habta Imaam Abuu Xaniifana waxay qabtaa in aanan taabashadu waysada burrinayn, ama naagtaada ha ahaato ama mid kale ha ahaatee.
    Xambaliyada iyo Maalikiyadu waxay qabaan in ay haddii taabashadu tahay mid (Shahwo) ku salaysan ay waysadu burayso, haddii aysan (shahwo) ku salaysnayn ee aad u taabato si aan kas ahayn ama aad xataa kas u taabato adiga oo aan dareen shahwo ku gelin, salaaddu kaa buri mayso.

    Sidaa ayay culumada madaahibtu qabaan, annagu haddii aan soomaali nahay waxaan raaci jirnay madhabta Imaam Shaafici.
    Waxaanse kugula talinayaa, haddii aad joogto dhulalka galbeedka ee qabowga badan in aad iska qaadatid mad-habta culumada kale, sida xanafiyada iyo maalikiyada ama xambaliyada, maxaa yeelay ayaga ayaa ka fudud midda Imaam Shaafici kolka loo eego mas'aladan.

    Aad baad u mahadsantahay

    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, August 09, 2005 at 18:32:26 (CDT)


  27. Suaal: Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
    waxa an idin wediinayaa xaaskaagu ma iga jebisaa waysada.
    abdiqadir mumin <abdiqadirmumin>
    - Tuesday, August 09, 2005 at 18:30:41 (CDT)
  28. Jawaab: Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
    Walaal qaybtii maqalka ahayd si degdeg ah ayaan u soo gelin doonnaa webka inshaa allaahu, wax yar oo farsamo ah ayay u baahantahay waana ku guda jirnaa.
    Aad baad ugu mahadsantahay codsigaaga iyo soo booqashada aad ina soo booqatay.
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, August 09, 2005 at 18:26:02 (CDT)
  29. Su'aal:maxaa ku dhacay qaybtii maqalka aheyd?
    asc/wr/wb, Salaantaas ka dib maxaa ku dhacay qaybtii maqalka aheyd oo aan kula diriraynay bidcada? waxaan u baahanahay qaybtii maqalka aheyd ee degdeg noogu soo celiya.
    saciid cabdullaahi <saciidtumaal>
    - Friday, August 05, 2005 at 23:57:44 (CDT)
  30. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
    Asalaamu calaykum sheekh, waan kuu tahniyadaynayaa wabkaagaan cajiibka ah oo aad ku difaacaysid diinta Islaamka Ilaahay khayr badan ha kaasiiyo. Anigu waxaan ahay nin dhalin yaro ha oo ah ahlusunna wal jameeca, oo ku nool maraykanka, fadlan aan xiriirno rabi haduu idmo ee meelkaan igala soo xiriir, qalbigaan kaaga soo duceeyay, wabkaana dad badan baa ku inti faacay. salaamullahi calayk
    ahmed fanax <magteyn1711>
    - Monday, August 01, 2005 at 12:56:01 (CDT)
  31. Jawaab: Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..
    Assalamu calayku, Walaal Abdi Hasan, haddii aan kaaga jawaabo labadii suaalood ee aad I waydiisay ee kala ahaa:
    1. Hadii uu qofku layimaahdo tawxiidul-rabuubiyah Islmaka maku soo galayaa mise waxbaa u dhiman. Hadii uu qofka uu aaminsanyahay in uu Alle kaliya cirka iyo dhulka Abuuray oo isaga oo kaliya waxkaste Abuuray Haddana uu cidkale ula shirki yeelo Islamnimada ma kusoo galayaa? Ilaahayna wuxuu kuleeyahay Suuratul LUQMAAN aayadda labaatan iyo shanaad Hadii Nabiyoow aad waydiiso yaa Abuuray cirka iyo Dhulka waxay ku leeyihiin Allah Marka ma oronkaraan Kufaarul-Qureesh waa muslimiin?

    2. Su'aasha kale oo Cibaadada ku saabsan waa Walaal Salaadda markii laga boxo Ducada lawada duceesto cibaadada ma kamid tahay mise ka sugnaatay rasuulkeenna nnk wali ma duceeyey inta uu Imaamka ahaa bacdal Salaad?

    Su'aasha koobaad: Marka walaal jawaabta su'aasha hore ee towxiidka ku saabsan waa sedan:
    Daliilka Wahhaabiyada
    Wahhaabiyadu waxay soo daliilsatay, sida ku cad kitaabka Fatxul majiidka, aayadaha soo socda si ay u caddayso in kufaartii Quraysh iyo Mushrikiintii ka horraysay ay qirsanaayeen towxiidka Rubuubiyada:
    Suuradda al-Cankabuud: 61 iyo 63, Suuradda Luqmaan: 25, Suuradda az-Zumar: 38, Suuradda az-Zukhruf: 87.

    Aayadahaas oo dhan waxay tusayaan in haddii gaalada lagu yiraahdo yaa samooyinka iyo dhulka abuuray ay leeyihiin "allaah" ama la yiraahdo yaa idin abuuray, ama la yiraahdo yaa caalamka quudsha iwm, waxay leeyihiin "allaah", marka wahaabiyadu waxay ku andacoodeen in ay taasi daliil u tahay in kufaartii Quraysh iyo mushrikiintii carabtu ay yaqiineen "towxiid ar-Rubuubiyah" laakiin aanay taasi Islaamka soo gelin, sidaa darteed, Islaamka waxaa lagu soo gala "Towxiidka Uluuhiyada" ama "Towxiidka Cibaadada" oo ah in cibaadada Ilaahay oo kali ah loola jeesto xaggiisa.
    Daliilka wahhaabiyadu waa kaas, qofkii aan intaas ku waafaqin waa kaafir ama waa mushrik ayay leeyihiin oo Islaamka sooma gelin!

    Jawaabta Ahlusunnah wal-Jamaaca
    Ahlusunnadu waxay ku jawaabeen arrimaha soo socda:
    1. Horta qaybinta aad towxiidka u qaybiseen Uluuhiyo iyo Rubuubiyo iyo Asmaa' wassifaat, Islaamka sal iyo baar kuma laha, maxaa yeelay waa bidco uu keenay Ibn Taymiyah, kahorna lama aqoon cid sheegtayna ma jirto oo ka mid ah culumada Islaamka siiba selefka saalixa ah, sidaa darteed annagu qaybintaas bidcada ah ma aqbalayno.

    2. Midda labaad, Islaamka waxaa lagu soo gala kelimadda shahaadada oo ah in uu qofku rumeeyo Ilaahay in uu yahay midka kaliya ee xaqa lagu caabudo iyo in Muxamad yahay Rasuulkii uu u soo diray caalamka oo dhan.

    Aayadaha aad sheegteenna waxay leeyihiin Yaa Samooyinka iyo dhulka abuuray? Kolkaas baa mushrikiintii tiri: Ilaah. Taasna macnaheedu maaha ashahaatin diinka lagu soo gelayo, maxaa yeelay ayaga oo sidaa leh ayay isla markaana inkirayaan Nabiga nabinimadiisa!

    Marka wahhaabiyoy waxaadan horta fahamsanayn waxa Islaamka lagu soo galo, Islaamka laguma soo galo in la yiraahdo "Ilaahay baa caalamka abuuray" taasi maaha kelimadda towxiidka, sidoo kale maaha towxiidku in la yiraahdo "Uluuhiyo ayaan rumaysanahay" ee kelimada shahaadada waa in uu qofku ku dhawaaqo ama waa in uu yiraahdo wax ku macna ah sida ay dheheen suxaradii fircoon xukumi jiray: (waxaan rumaynay caalamiinta Rabbigoodii, Muuse iyo Haaruun Rabbigoodii) al-Acraaf:121-122, iyo ash-Shucaraa':47-48. Marka waxay sheegeen in ay rumeeyeen Caalamiinta Rabbigoodii kaas oo ah Muuse iyo haaruun rabbigoodii. Taas ayaa kolka ku tusaysa in towxiidka macnihiisu yahay "Rumaynta Eebbe iyo Rumaynta Nabiyaashiisa", Haddiise uu yiraahdo gaalku dhulka iyo circa Ilaah baa abuuray taasi towxiid maaha.

    3. Midda xigta wahhaabiyadu waxay ku andacoodeen in "Rab" uu yahay kan caalamka abuuray oo uunka irzaaqa, sidaa darteed waxay dhaheen- Ilaahna waa midka kaliya ee xaq lagu caabudo, markaas bay kala saareen (Rabb) iyo (Ilaah)!!.

    Annagu waannu diidnay kala saaridda noocaas ah, maxaa yeelay quraanka Rab iyo Ilaah waa isku macne, taa daaye, waxaa ku soo aroortay quraanka aayado badan oo caddaynaaya in (Ilaahu uu Rabbi yahay) tusaale ahaan:

    Suuradda al-Axqaaf: 13, iyo Suuradda Fusilat: 30: Wuxuu yiri Eebbe: (Kuwii yirai Rabbigeen waa Allaah..", Marka waxaa aayaddaas ka cad in Rabbigu Ilaah yahay.
    Sidoo kale: Suuradda al-Kahf:38 wuxuu yiri: (Laakiin waa Allaah oo Rabbigayga ah..). Sidoo kale: Suuradda as-shucaraa: 98 wuxuu yiri: (Tallaahi lunsanaan wayn ayaan ku jirnay, kolkii aan idinla sinnay (sanamyo haddad tihiin) Caalamiinta Rabbigooda).

    Marka halkaas waxaa kaaga muuqata in shirkigu xataa soo gelayo towxiidka rubuubiyada laakiin wahhaabiyadu waxay dhaheen kufaarta oo dhan muwaxidiin bay ahaayeen oo way aqoonsanaayeen Rabbi! Hadaba aayaddaas ayaa beeninaysa hadalkooda, maxaa yeelay kufaarta iyo mushrikiintu Cibaadada oo kaliya shirkigoodu ma ahayn sida wahhaabiyadu ku andacootay ee shirkigooda iyo kufrigoodu wuxuu aha mid koobaya towxiidka oo dhan.

    4. Midda kale, haddii aan towxiidka saddex u qaybinno, oo aan dhahno waxaa jira Rubuubiyo iyo Uluuhiyo iyo Asmaa'was sifaat, waa in aan kolkaa Kufrigana saddex u qaybinaa, taas macnaheedu waa in uu jirayaan dad towxiidkana nus ka haysta kufrigana nus ka haysta, kolkaa kuwaasi kufaarna maaha muslimiinna maaha, marka maxay wahhaabiyadu ku jawaabaysaa?!

    5. Kufrigu ma qaybsamo, Towxiidkuna ma qaybsamo, mana jiraan wax la yiraahdo Nus-kufri am anus-towxiid, Islaamku waa hal diin ah hal irid o laga soo galo ayuu leeyahay, waana kelimadda towxiidka ee ah (LaaIlaaha Illa Laahu, Muxammaddu Rasuulullaahi), intaa qofkii yaraahda waa muslim, haddii uu yiraahdo (Caalamka Ilaah baa abuuray) ama Adduunka Rabbi baa abuuray) iwm, sidaas muslim lagu noqon maayo. Laakiin haddii uu yiraahdo waxaan rumeeyay Rabbigii Muxamad Rumeeyay, waa Islaam, wuuna soo gelayaa diinta, haddii uu yiraahdo, waxaan beenshay rabbigii Muxamadna, diinta wuu ka baxayaa!


    Marka faham mas'alada, Nabigeennu waligiis dadka kuma uusan dhin rumeeya towxiidul Uluuhiya iyo towxiidul asmaa' iyo Rubuubiyo iwm, wuxuu dhihi jiray: (Waxaa la I faray in aan dadka la dagaalo inta ay ka markhaatikacaan in aan Ilaah mooyee Ilaah kale jirin aniguna aan Rasuulkii Ilaahay ahay).

    Marka halkaa waxaa kaaga cad in towxiidka wahhaabiyadu uu bidco aanan Islaamka sal iyo baar kulahayn yahay, waxaana keenay ibn Taymiyah markii ugu horraysay, wuxuuna ka soo maqlay nasaarada oo ayaga ayaa towxiidka u qaybsha saddex, "Ruuxul qudus" oo Uluuhiyo uu ku magacaabay Ibn Taymiyyah, iyo "ABB" ama "Lord" oo uu ku magacaabay ibn taymiyyah, Rubuubiyo, iyo "Ibin ama Son" oo uu ku magacaabay ibn Taymiyyah, Asmaa' wa sifaat.

    Qaybahaas nasaaradu waxay dhaheen waa saddex fanction ama wadiifo oo uu Eebbe leeyahay, sida Ibn Taymiyaba yiri, Ibn Taymiya wuxuu yiri: Uluuhiyo waa cibaadada, Rubuubiyaduna waa Khaaliqa iyo raaziqa iwm, Sifooyinkuna waa astaamaha uu ku sifaysanyahay ee ah sida astaamaha aadanaha oo kale laakiin ka duwan sida gacanta iyo cilmiga iyo hadalka iwm dhammaan waa sifooyin ay dadkuna leeyihiin laakiin Eebbe iyo dadku way kala duwanyihiin.

    Sidaa ayuu ku andacooday Ibn Taymiyyah, marka bal ii sheeg waxa u dhexeeya asiga iyo nasaarada? Nasaaradu waxay dhaheen, Ilaahay ciise ayuu isku iska dhigay si uu ugu soo dhawaado dadka oo uu u badbaadsho, macnaha waa sifo ka mid ah sifooyinka Eebbe, marka waxay qabaan in towxiidku saddexdaas u qaybsamo, Ibn Taymiyana ayaga ayuu ka soo baawsaday, maxaa yeelay muslimiinta asiga ka hor cid waxaa sheegtay ma jirin, wahhaabiyaduna asiga ayay ka qaateen.

    Sidee towxiidka loo sugaa?
    Sida culumada Islaamka oo dhan ay sheegeen oo ay axaadiista iyo aayadaha quraanka ah caddeeyeen, Islaamku wuxuu leeyahay towxiid, towxiidkuna waa mid kaliya ee saddex maaha, waana kelimadda shahaadada, oo ah in la rumeeyo Ilaahay iyo Rasuulkiisa, aananna lala imaan wax burrinaya kelimaddaas oo khilaafsan arkaanta Islaamka ama arkaanta iimaanka ee culumadu sheegeen eek u soo aroortay axaadiista saxiixa ah iyo aayadaha quraanka ah. Intaa wixii ka gedisan waa khusacbalaad, iyo been iyo barabagaandho ay wahhaabiyadu doonayso in ay suuq ku samaysato.

    Soomaaliyeey Maqal!
    Hadaba hala ogaado soomaaliyeey, dad badan oo soomaali ah ayaa ku lumay fidnada wahhaabiyada. Waxaad Soomaaliyeey ogaataan in caalamka Islaamka ay soo mareen firqooyin badan oo fasahaad badan ka dhalshay oo dhibaato badan u gaystay umadda Islaamka, firqooyinkaas midkasta waxay u andacoonjirtay in ay xaqii ku taagantahay.

    Haddii aad taariikhda Islaamka akhrisaan waxaad arkaysaan kooxo iyo firqooyin sida Qadariyada, Muctasilada, Baadiniyada, Faadimiyiintii, Qaraamidadii, Karaamiyadii, iyo qaar kale oo badan oo aanan halkan lagu soo koobi Karin, dhammaantood way la'deen, Islaamkii oo khaalis ah ayaa haray ayagana taariikhda ayaa leqday, kolkaas baa manta xaalkoodii qof kasta ogyahay in ay lumen.

    Waayahan dambe waxaa soo baxay kooxo kuwaa la mid ah, sida Wahhaabiyada, Ismaaciiliyada, Duruusta, Nusayriyada, Qaadiyaaniyada, Ikhwaanka, Tabliiqa, iyo boqollaal kale oo dhammaantood lunsan, oo dhammaantood sheeganaya in ay xaqii caddaa ku toosanyihiin. Waxaanna ognahay in ay firqooyin yihiin, firqooyinkaas waxay isku khaldayaan waxyaabo xaq ah iyo baadil farabadan, kolkaas ayaa caamadu ku sirmaysaa oo u malaynayaan in ay xaqii ku taaganyihiin!

    Islaamka iyo Firqooyinka maxaa u dhaxeeya
    Diinta Islaamka Ilaah ayaa ballan qaaday in uu ilaalin doono, marka cabsi lagama qabo in ay lunto diintu laakiin waxaa cabsi laga qabaa in ay lumaan muslimiintu, sababtuna waa kooxahaas fidnada ah. Islaamku waa diinta ay haystaan jamaacada muslimiintu, firqooyihkuna waa kooxo yaryar oo qaarkood waawaynaanayo mararka qaar, lacag ay haystaan ama cadawga islaamka ay kaashadaan dartiis, sida hadda wahhaabiyada iyo Ikhwaanku yihiin.

    Kolka Islaamku waa sidi geed wayn oo dhulka ka soo baxay oo salka meel adag ku haysta, firqooyinkuna waa laamo yaryar oo geedkaa hadba dhinaca uga baxa, laamahaas way go'ayaan ugu dambaystii, laakiin geedku wuu taagnaanayaa, marka qofkii laamahaa yaryar raaca way la go'ayaan kolka ay dhacaan, laakiin qofkii jiridak way nee geedka qabsada geedkaas inta uu taaganyahay wuu haysanayaa oo dhici maayo.

    Marka waa kaas tusaalaha firqooyinka iyo Islaamka waxa u dhaxeeya kuu caddaynaya. Hadaba soomaaliyeey hala ogaado, wahhaabiyada iyo Ikhwaanku way dhacayaan oo sidii ay u lumen kooxihii lunsanaa ee hore ayay u dhiman doonaan, qofkii u malaynaya in ay wahhaabiyo waligeed jiri doonto Ilaa maalinta qiyaamaha wallaahi wuu khaldanyahay, qofkii u malaynaya in Ikhwaan ama Tabliiq ama Qaadiyaaniyo jiri doonto Ilaa qiyaamaha wallaahi wuu khaldanyahay, waxa ilaa qiyaamaha jiri doona waa Islaamka khaaliska ah,marka waxaan soomaalida kula talinayaa in laga digtoonaado tadarrufka iyo firqooyinka.

    Hadaba maxaan samaynaa?
    Qaar ayaa waxay ileeyihiin "hadaba maxaan samaynaa? Waxaad tiri "Ikhwaan yaan la noqonin! Oo wahhaabiyo yaan la noqonin! Oo tabliiq yaan la noqonin! Hadaba maxaan noqonaa?

    1. Qaar ayaa su'aashaas I waydiiyay, subxaana laahi, ma khasab baa in aad firqo ku biirtaan, miyaadan muslim toosan ahaan karina? Akhrista Kitaabka Quraanka ah, kana akhrista qof aanan ku jirin kooxahaas, maxaa yeelay dadka kooxahaas ku jira laguma kalsoona, marka waydii, walaal ma wahhaabiyada iyo Ikhwaanka iwm ayaa ku jirtaa? Haddii uu yiraahdo haa, isaga tag, waxaadna ku dhahdaa, anigu waxaan doonayaa qof Islaamka oo kaliya I bara asiga oo aan igula meeraysan kooxahaas.

    2. Sidoo kale, akhrista kutubta xaddiiska, Riyaadu saalixiinka, Saxiixul Bukhaari, ama Saxiixul Muslim iwm, hana akhrisana kutubta yaryar ee ay qoreen Albaani iyo Ibn Cabdulwahhaab iyo Ibn Taymiyah iyo waxa la midka ah ee u xusulduubaya kooxaha iyo firqooyinka lunsan.

    3. Akhrista kutubta siirada iyo fikirka muslimiinta iyo taariikhda Islaamka, kana akhrista macallin lagu kalsoonyahay, macnaha macallin aan koox gaar ah raacsanayn, maxaa yeelay annagu kooxaysiga ayaan ka soo horjeednaa oo waxaan ognahay in Islaamku uusan kooxaysi ahayn.

    Su'aasha Labaad: Walaal haddii aan u soo laabto su'aashaada labaad eek u saabsan ducada la akhristo salaadda kabacdi ee jamaacada lagu akhristo ee Imaamku akhrinayo dadkuna ay aamiin leeyihiin, waa bannaantahay, daliilkuna waa xaddiiska uu soo weriyay Imaam xaakim eel eh: "Qoon haddii ay isu yimaadaan ee ay Eebbe baryaan, ayada oo qaar aamiin leeyahay qaarna ducaynayo, Eebbe wuu ka aqbalaa". Al-Mustadrak, Juzka 3, baalka 390. iyo Majmac az-Zawaa'id: juzka 100ad, baalka 170. iyo al-Mucjam al-Kabiir, juzka 4aad, baalka 21aad, iyo at-Tarqiib at-tarhiib, juzka 1aad, baalka 196, iyo Faydul Qadiir, juzka 1aad, bogga 343aad. Xaddiiskaas wuxuu caddaynayaa in ay bannaantahay in la isku imaankaro oo la ducaysan karo oo qolo ducaynayso qolana aamiin leedahay oo Eebbe uu aqbalo haddii sidaa la yeelo.

    Midda labaad xaddiiska Nabigeennu kuma xadidin meel gaar ah, mana dhihin ha kulmina oo salaadda kabacdi ha ducaysana, ee xaddiisku waa mudlaq, waqti kasta ayuu munaasab ku yahay.

    Qaacidada khaldan ee uu ku salaysanyahay diinka wahhaabiyadu
    Wahhaabiyadu waxay diinteeda ku salaysay qawaacid khaldan oo aanan Islaamka sal iyo baar ku lahayn, taas ayaana keentay in ay lumaan oo kufriyaan, qawaacidkaasi waa:
    1. In ay dhaheen (wax aan Nabigu nnk falin, ma bannaana in la falo!)
    2. Aayadaha iyo Nusuusta kale sida axaadiista iyo sifooyinka Eebbe iwm, waa in sida daahirkoodu sheegaayo loo fasiro oo aanan marnaba la ta'wiilin.
    Labadaa qaaciddo waa khaldanyihiin, waana labada ay ku salaysan tahay diinta wahhaabiyadu. Waxayna ku khaldanyihiin:
    1. Quraanka laguma sheegin labadaas qaacido, xaddiiskana laguma sheegin, usuusha fiqhigana laguma sheegin. Quraanku wuxuu yiri (wixii nabigu idiinla yimaado qaata, wixii uu idinka reebana ka reebtoonaada) "al-Xashir:7" - kolkaas bay wahhaabiyadu u malaysay in looga jeedo (wax aanan nabigu falin yaan la falin)!! Ilee fahmo xumo ayaa Ilaahay ku ibtileeyee.

    2. Quraanka waxaa lagu sheegay (Haddii aad Ilaahay jeceshihiin, isoo raaca rasuulka soo raaca- si Ilaahay idiin jeclaado).(aali-Cimraan:31). Rasuulka soo raaca macnaheeda aayadda kore ayaa caddaysay oo tiri (wixii uu idiin keenana qaata wixii uu idinka reebana ka reebtooma).

    Marka wahhaabiyadu waxay u fahmeen in la yiri: wax aanan nabigu falin ha falina!! Subxaana laahi, maa akhriyaan tafaasiirta iyo hadalka culumada marka ay fahamkaas khaldan la soo aadayaan muslimiinta ee dadka ku khasbayaan.

    Ma jiraan waxyaabo aanan nabigu falin oo muslimiintu faleen oo isku raaceen?
    Haah, asaxaabta ayaa dhowr waxyaabood sameeyay, waxyaabahaas oo uusan nabigu ogayn, waxaa ka mid ah, aruurintii Musxafka quraanka casrigii Imaam Cusmaan, waxaa ka mid ah shaqliddiisii, waxaa ka mid ah dhibcayntisii, wahhaabiyadu waxay dhaheen taasi waa (Masaalix mursalah)! Waayahaye, masaalix mursala xagee nabigu ku sheegay? Xageesa quraanka looga sheegay? Sow ayaduba figrad cusub oo fuqahada Xanafiyadu keentay maaha?

    Mushiladda wahhaabiyada haysta waa cilmi yari, maxaa yeelay culumada hadalkoodii ma aysan akhrin, waxay akhriyaan saddex nin hadalkoodii (Ibn Taymiyah, Ibn Qayyim, iyo Ibn Cabdul wahhaab) saddexduna isku hadal ayay sheegeen maxaa yeelay labada dambe ibn Taymiyah ayay ka soo baawsadeen waxa ay sheegayaan. Marka taas ayaa ugu wacan aqoon la aanta, haddii ay akhrin lahaayeen hadalka culumada Islaamka way fahmi lahaayeen cilmiga.

    Ma waajib baa in quraanka iyo xaddiiska daahirkooda la raaco
    Wax daliil ah looma hayo taas, wahhaabiyada ayaa ku andacootay, laakiin asaxaabta nabigu waxay u fahmeen quraanka iyo hadalka nabiga siyaabo kala duwan, sidaa darteed, khilaafka tafsiirka ee Caa'isho iyo Imaam Cumar iyo Ibn Mascuud iyo Ibn Cabbaas iyo qaar kale oo badan waa macruuf. Sidoo kale khilaafka asaxaabta dhexmaray ee tafsiirka xaddiiska waa macruuf, waxaana inagu filan xaddiiskii (laasalaata illaa fii banii qurayda) ee caanka ahaa.

    Marka wahhaabiyooy aaway daliilka caddaynaya in aayadaha daahirkooda la raaco oo axaadiista daahirkooda la raaco waadinka leh waa waajib in daahirka la raacee xagee ka keenteen waajibkaas?

    Miyaanad akhrina kitaabka saxiixul Bukhaari baabka tafsiirka quraanka, maxaad u fiiri wayseen sida uu Imaamku u ta'wiilinayo aayadaha quraanka ah, haddii aad caqli leedihiin Bukhaari ayaad tafsiirka ka baran lahaydeen inta aad waqtigiina ku dhuminaysaan kuwa aad caabuddaan ee aad ku sheegteen (shiikhu Islaam) sida Ibn Taymiyah iyo Ibn Cabdulwahhaab!!

    Gabagabada Mas'aladan
    Hadaba walaal waxaa kuu cad in ay wahhaabiyadu lafcad toobin ku hayso, oo ay weel daloola badda ku dhurayaan, maxaa yeelay waxay khilaafeen hadalkii culumada islaamka ee 900 oo sano kahor la qoray oo culumadu derseen. Marka Nabigeennu nnk wuxuu yiri: (al-Muslimu ama al-mu'minu kayyisun faddin) oo looga jeedu "muslimku waa aqlilow caqli badan", waxaa loo baahanyahay in caqliga la adeegsado diinka Islaamku waa diin lagu soo dejiyay dadka caqliga leh ee mukalifiinta ah, nin waalan iyo nin aanan caqli lahayn iyo nin suuxsan oo caqligiisii tegay iyo nin hurda iwm dhammaan takaaliiftu way ka dhacaysaa, sababtuna waa in caqligu diinka aasaas u yahay, marka qofka muslimka ah waa in uu ka fiirsado inta uusan waxa falin.

    Fidnadu haddii ay badato maxaa la sameeyaa?
    Nabigeennu wuu ka digay fidnooyinka, iyo tafaraaruqa iyo firqooyinka iyo kooxaysiga, wuxuuna amray in jamaacada la qabsado, oo qofkii jamaacada ka baxa uu lumayo. Waxaa kale oo axaadiis kale sheegeen in uu yiri, haddii fidnadu badato kitaabka iyo sunnada qabsada. Waxaa kale oo uu yiri; Fidnadu way huruddaa, lacanadi ha ku dhacdo ciddii toosida.

    Kolka axaadiis farabadan ayaa ku soo aroortay ka fogaashada fidnada, iyo qabsashada dariiqa jamaacada, sidaa darteed, qofkii muslim ah waxaa la gudboon in uusan ka daba lumen kooxahaas fidnada ah, bal u fiirsada;

    Wahhaabiyada oo cumrigeedu 100 sano yahay, waxay markii hore isku magacawday (Muwaxidiin, kadibna Ikhwaan, Kadibna Salafiyo, Kadibna Ahlusunno, Kadibana al-Firqah al-naajiyah) waxay u qaybsantay dhowr qaybood, al-qaacidah, iyo al-firqah al-naajiyah, iyo salafiyiin, iyo boqollaal kooxood oo yaryar oo dhammaantood wada lunsan.

    Anigu waxaan hubaa in Islaamku ka duwanyahay waxa kooxahaasi wadaan, caadna igama saarna, maxaa yeelay Ilaahay Kitaab iyo Sunno ayuu inoo soo dejiyay, taas ayaa ah diintii toosnayd iyo hadalka culumada lagu kalsoon yahay ee muslimiintu isku raacsanyihiin imam nimadooda sida Shaafici, abuu xaniifa, maalik, axmad, iyo kumanyaal kale oo badan.

    Hadaba muslimiinta soomaalida ah waxaa ku waajib ah in ay wahhaabiyada ka digtoonaadaan, oo qofkii galay ka soo laabto, kooxdaas waa kufaar, Islaamka way sheegtaan, sida qaadiyaaniyada iyo Ismaaciiliyada iyo Nusayriyiinta iwm ayay sheegtaan, laakiin wahhaabiyadu waxay awoodda ka keentay waxay deggantahay dhulkii muqaddaska ahaa ee Makka iyo Maddiina, taas ayaana keentay in dad badan u maleeyaan in ay diin toosan wadaan, hadaba qofkii wahhaabiyada raaca diinteeda asiga oo og in ay aaminsanyihiin kufriga mujasimada iyo mushabihada waa kaafir, ha ogaado naarta ayuuna ku waarayaa.

    Wallaahu waliyu at-towfiiq.
    Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, July 21, 2005 at 20:16:35 (CDT)


    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha Boggan
  1. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  2. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  3. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  4. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  5. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  6. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  7. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  8. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  9. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  10. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  11. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  12. ma haboon tahay nin aan..?
  13. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  14. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  15. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  16. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  17. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  18. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  19. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  20. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  21. Sheekhow iisoo ducee...
  22. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  23. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  24. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  25. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  26. Mahadnaq iyo bogaadin
  27. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  28. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  29. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  30. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  31. Qof dhintay mala baryi karaa?
  32. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  33. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  34. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  35. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  36. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  37. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  38. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  39. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  40. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  41. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  42. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  43. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  44. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  45. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  46. Is Khat Haram or Halal?!
  47. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  48. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  49. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  50. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  51. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  52. dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  53. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  54. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  55. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  56. waxaa jira in leeyga digay..!
  57. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  58. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  59. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  60. xukunka taariku salaadka
  61. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  62. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  63. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  64. Salaan iyo Bogaadin..

  65. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  66. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  67. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  68. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!
  69. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  70. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  71. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  72. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  73. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  74. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  75. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  76. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  77. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  78. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  79. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  80. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  81. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  82. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  83. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  84. zakada dahabka laga bixiyo..
  85. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  86. members of one of the Somali clans..
  87. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  88. WAAN KIRISHTAAMOOBAY...
  89. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  90. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  91. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  92. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  93. qoladasi isku diin ma nihin..
  94. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  95. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  96. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..

  97. Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
  98. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
  99. sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
  100. Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?

  101. Wiil i jecel oo aanan anigu jeclayn ayaa la ii guuriyay ee maxaan sameeyaa?
  102. Munaaqasho ku saabsan Kooxaha Lunsan..
  103. Ragga Islaamka ayaa lagu yaqaan..
  104. Digniin ku socota Muslimiinta Soomaalida ah oo dhan
  105. Maxaa u dhexeeya kooxaha al-itihad iyo al-islah?
  106. muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay
  107. Salafiyo Maxaa laga wadaa?

  108. Yaa baxshay magaca wahhaabiyo?
  109. Waa la yaab in nin asigiiba been sheegaya qof ku waansho been ha sheegin!
  110. waxaad inoo sheegtay sheeko qosol leh..
  111. ahlusunnah wal jamaa'ah..!
  112. Sow maahin dad ay culumo waashay!
  113. Aqoondarro waa iftiin la'aan!
  114. Ilaah baa ku qancin kara..!
  115. waxaan kaa rabay in aad noo sheegto adigana kooxdee tahay!
Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]